Sida uu qoray wargeyska The Mirror, kooxda Manchester United ayaa haatan u muuqata mid si dhab ah ugu dhow saxiixa weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyökeres, xilli wadahadalladii u dhexeeyay Arsenal iyo ciyaaryahanka ay istaageen oo aysan wax horumar ah sameynin.
Gyökeres, oo haatan u ciyaara kooxda Sporting CP ee dalka Portugal, ayaa hore u muujiyay rabitaankiisa ah inuu u wareego koox ka qeybgaleysa tartanka Champions League. Inkastoo Arsenal ay ahayd doorashadiisa koowaad, haddana wuxuu ogyahay in kooxdaasi ay mudnaanta siineyso weeraryahanka RB Leipzig, Benjamin Šeško.
Gyökeres ma doonayo inuu u wareego kooxaha ka ciyaara horyaalka Sacuudiga, halka kooxaha kale ee Yurub aysan midna si dhab ah u doonayn ama aysan awoodin inay la wareegaan.
Sidaa darteed, Manchester United ayaa hadda u muuqata ikhtiyaarka ugu macquulsan ee uu haysto Gyökeres, iyadoo la sheegay inuu u sheegay kooxda Sporting inuusan doonayn inuu sii joogo ama dib ugu ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda.