Ashley Cole, oo hore uga tirsanaa daafacyadii kooxda Chelsea, ayaa si cad u sheegay in Liam Delap — weeraryahanka ay Blues dhawaan la soo saxiixdeen — uu u baahan doono waqti si uu ula qabsado qaab ciyaareedka kooxda Stamford Bridge.
Chelsea ayaa Delap kaga soo iibsatay kooxda Ipswich Town lacag dhan £30 milyan. Weeraryahankan 22-jirka ah ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Chelsea toddobaadkan, kulankii ay 3-0 uga adkaadeen ES Tunis ciyaartii Koobka Adduunka ee Naadiyada.
Ashley Cole oo la hadlayay warbaahinta Metro ayaa yiri: “Waxaan la shaqeynayay Liam Delap muddo ku dhow laba sano, mararka qaar si toos ah mararka kalena si dadban. Waa wiil wanaagsan, dadaal badan, wuxuuna leeyahay rabitaan ah inuu wax barto si uu u gaaro heer sare.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan aaminsanahay in ay waqti qaadan doonto in Delap uu horumar sameeyo isla markaana uu la qabsado qaab ciyaareedka Chelsea.”
Delap, oo ay xiisaynayeen kooxo badan ka hor inta uusan ku biirin Chelsea xagaagan, ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay Ipswich 12 gool horyaalka Premier League.