Malabka waxaa ku jira faa’idooyin badan oo ka mid ah vitamiino iyo macdano , sida vitamin B2, iyo B3, B5,B6, iyo faa’idooyin badan.baaritaan la sameeyay ayaa waxaa la ogaaday in malabku daawo uyahay cuduro badan, siiba cudurada haraga qaar ka mid ah.Waxaad u isticmaali kartaa malabka habab badan oo aan ahayn cunidiisa.
Malabka waxaa isticmaala shirkado badan oo sameeya alaabooyinka la isku qurxiyo.Waxaa kuu sheegi doonaa siyaabo aad isoogu qurxin kartid malabka adoo guriga jooga.
Nadiifinta wajiga
Malqacad wayn oo malab ah + 2 qaado yaryar oo laws shiidan + qaado yar oo liinta biyaheeda ah Intaa isku walaaq oo wajiga ku xoq, kadib biyo kulul ku dhaq wajiga.
Jilcinta wajiga
Malqacad wayn oo malab ah + tufaax aad diirtay oo aad shiiday. Isku dar oo wajiga u daa ilaa 15 daqiiqo kadib ku dhaq wajiga biyo qaboow.
Dabcinta wajiga
Malqacad yar oo malab ah + malqacad yar oo liinta biyiheeda. Isku dar oo ku xoq wajiga si fiican si uu u galo nafaqada kadib u daa 10 daqiiqo kadib dhaq wajiga.
Wajiga caadiga ah ama qalalan
Malab + khayaar shiidan isku dar oo wajiga saar qiyaastii nususaac, waxaana isticmaali kartaa wiigii mar kaliya.
Wajiga subugaysan
Malab + boortuqaal shiidan isku dar oo wajiga saar oo u daa 20 daqiiqo, waxaadna isticmaashaa wiigii mar kaliya.
Gacmo qurux badan
Malab + caano isku dar oo ku shubo weel aad galin kartid labadaada gacmood, gacmahaaga ku xoq oo cabaar u daa .Gacmaha ayuu jilciyaa oo uu qurxiyaa.