26 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

{DAAWO SAWIRADA} DFS oo dib dalka ugu soo celisay Dhalinyaro xaalado adag ku haystay dalka Liibiya.

Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.

Wasiir kuxigeenka oo hadal ka jeediyay Gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho markii ay ka soo degtay diyaaraddii siday muwaadiniintaasi, ayaa hadalkii uu warbaahinta u jeediyay ay ahayd sidatan:
Bismillaah.

Waxaan halkaan u taagannahay inaan soo dhoweyno in ka badan 30 muwaadiniin Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah looga soo daad-gureeyey dalka Liibiya, ka dib markii ay soo mareen xabsiyo iyo xaalado nololeed oo aad u adag.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuwaasoo isna laga soo badbaadiyey halisyo naf iyo maalba leh.

Tallaabadan waa qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto yareynta tahriibka sharci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshooda.

Anigoo ku hadlaya magaca dowladda, waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn inay si buuxda uga qayb qaataan badbaadinta muwaadiniinteenna, arrintanina waa mas’uuliyad wadareed.

Sidoo kale, waxaan codsaneynaa in laga bilaabo maanta, hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.

Leave a Comment