Arbaco 25 June 2025 {HMC}Dowladda Turkiga ayaa markale dalka keentay diyaarado dagaal iyo qalab militari, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Qalabkan oo ay kamid yihiin Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah iyo kolonyo gaadiid gaashaaman, ayaa si rasmi ah uga soo degay garoonka Aadan Cadde.
Gaadiidka iyo saanadda kale ee la socotay waxay ka mid yihiin kuwa ugu sarreeya ee ay farsameeyaan shirkadaha militari ee Turkiga, waxaana loogu talagalay in ay sare u qaadaan awoodda Ciidanka Xoogga ee xaqiijinta Amniga iyo dagaalka AS.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa hore ugu heshiiyay in ay sare u qaadan Iskaashiga dhinaca Amniga, si loo dardar galiyo howlgallada ka socda dalka.
Dhawaan ayay aheyd markii Turkiga dalka keenay saanad kale oo ciidan, kuwaasi oo ay siday diyaaradda Xamuulka qaada Qadar Airlines.