24.7 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Taliska Mareykanka oo xaqiijiyay in ay duqeymo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose

Talaado 24 June 2025 {HMC} Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay duqeymo ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ayaa sheegay in ay duqeymaha lagu beegsaday xubno ka tirsan AS oo ku sugnaa deegaanka Sabiib, iyada oo la fulinayo dalab ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Annaga oo kaashaneyna Dowladda Federaalka waxaan duqeymo ka fulinay deegaanka Sabiib, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Taliska AFRICOM.

Mareykanka ma xaqiijin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeynta oo ku soo aadeysa xilli ciidanka dowladda ay dhaqdhaaqyo ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose.

Dhinaca kale, Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo u hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa ku sugan deegaanka Sabiib iyo Caanoole.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ciidanka xaqiijinayaan Amniga guud ee deegaannada laga saarey AS, ayna ku howlan yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen goobo kale.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidanka dowladda ay si rasmi ah ula wareegeen deegaanka muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalladan ayaa waxaa ciidanka Soomaalida ku wehliya ciidamada AUSSOM, gaar ahaan Uganda.

Leave a Comment