25.3 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Taliska NISA oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Talaado 24 June 2025 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan

Howlgalkaan ayaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan AS sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA)

Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen xubnaha AS sida lagu sheeegay war saxaafadeedka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sidoo kale sheegtay in la burburiyay dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen xubnaha AS.

Leave a Comment