Talaado 24 June 2025 {HMC} Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa hadda soo saaray bayaan, isagoo sheegay in uu amar ku siiyay ciidamada difaaca Israa’iil “inay si adag uga jawaabaan jebinta Iran ee xabbad joojinta iyagoo duqeymo xooggan la beegsaday bartilmaameedyada taliska ee bartamaha Tehran”.
Waxaan isha ku heynaa waxa ka soo kordha arrintan, halkan ayaadna kala socon doontaan.
Hadii aan idiin xasuusinno, Iiraan waxay sheegtay in ay weerarrada joojinayso haddii ay Israa’iil joojiso.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Syed Abbas Araghchi wuxuu ku qoray bartiisa X in haddii ay wakhtigan Israa’iil joojiso “duullaankeeda sharci darrada ah” aysan Iiraan doonayn “in aan sii wadno jawaabaheenna xilligaas ka dib”.