Isniin 23, June 2025 {HMC} Aayatullah Cali Khameney waa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, waana mas’uulka dhinaca maamulka ugu sarreeya waddankaas. Wuxuu leeyahay amarka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda Iiraan.
Ninkan, oo si weyn loogu yaqaanno inuu jecel yahay fikirka ay ku dhisan tahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday dalalka Reer Galbeed-ka, gaar ahaan Mareykanka, oo uu aad u neceb yahay.
Inkastoo uu si buuxda u taageerayay kooxda dalkiisa u qaabilsaneyd wadaxaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iiraan, haddana Aayatullah Khameney wuxuu marar badan muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn natiijadii kasoo baxday wadahadalladii dhex maray Iiraan iyo dalalka quwadaha waaweyn ee caalamka.
Aayatullah Cali Khameney wuxuu sanadkii 1989-kii baddalay hoggaamiyihii ruuxiga Iiraan ee ugu horreeyay, ahaana ninkii aasaasay jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, Aayatullah Ruuxullah Khumeyni.
Xilligaas ka hor wuxuu labo jeer oo isku xigta madaxweyne kasoo noqday Iiraan intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1989-kii.
Sidee loo soo xulaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ah?
Ninka haatan haya xilka (Ayatollah Khamenei keliya waa qofkii labaad ee xilkan qabta tan iyo Kacaankii Islaamiga ee Iiraan sanadkii 1979) waxaa soo xula guddi ka kooban 88 wadaad oo loo yaqaanno Golaha Khubarrada.
Xubnihiisa waxaa siddeeddii sanaba mar doorta dadka Iiraan, balse musharraxiinta waxaa marka hore ansixiya guddi lagu magacaabo Golaha Ilaalada. Xubnaha Golaha Ilaalada qudhooda waxaa si toos ah amaba si dadban u doorta Hoggaamiyaha Sare.
Hoggaamiyaha sare ayaa sidaas darteed saameyn ku leh labada guddi. 30-kii sano ee ugu dambeeyay, Ali Khamenei wuxuu hubiyay in xubno asal raac ah loo doorto golaha kuwaas oo raaci doona taladiisa ku aaddan cidda beddeli doonta.
Marka la doorto, Hoggaamiyaha Sare ayaa xilkaas heyn doona inta uu nool yahay.
Sida uu dhigayo dastuurka IIraan, Hoggaamiyaha Sare waa inuu noqdaa ayatollah, oo la micno ah wadaad sare oo dhanka madhabta shiicada ah. Balse markii Ali Khamenei la dooranayay ma uusan ahayn ayatollah, sidaas darteed sharciga waa la beddelay si ay ugu suurto gasho inuu xilka qabto.
Sidaas darteed, waa suurtogal in sharciga la beddelo mar kale, waxayna ku xirnaan doontaa dabeysha siyaasadeed ee taagan marka ay timaaddo doorashada hoggaamiyaha cusub.
Maxay muhiim u tahay?
Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan awood weyn ayuu ku leeyahay Iiraan. Waa qofka ugu dambeeya ee go`aan ka gaara arrimo badan oo muhiim ah, wuxuu qaabeeyaa siyaasadaha dalka iyo habka loo wajahayo dunida kale.
Iiraan waa dalka Shiicada ah ee ugu awoodda badan dunida, intii uu Ali Khamenei hoggaanka hayayna waxay saameynteeda ku ballaarineysay Bariga Dhexe.
In meesha laga saaro ma beddeli doonto taariikhda gobolka, balse waxay sidoo kale saameyn doontaa qeybaha kale ee dunida.
Cadaawadda ka dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa`iil, tusaale ahaan – oo ay dabka u sii hurisay nacaybka shakhsiyadeed ee Ayatollah Khamenei uu labada dal u qabo – ayaa horseedday sanado xiisad iyo xasilooni darro ah.
Si kastaba, qof walba oo isaga beddela waxay u dhowdahay inuu raaco waddadiisa.
XIGASO BBC