29.1 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Iiraan jawaab adag ka bixisay Weerarkii Mareykanka uu xalay ku qaaday.

Axad, 22 June 2025 {HMC} 400 magaalo laga bilaabo Xayfa ee waqooyiga ilaa Talaviv, Quds ilaa deegaanada Badda dhimatay ayaa halmar weerar lagu qaaday.

Warbaahinta ISR|L ayaa isku raacday in uu yahay weerar xoogan oo nidaamyada difaacu ay si xoogan iskaga caabin waayeen, oo ay qaarkood ku dhaceen goobo muhiim ah, oo dhaawacyada in ka badan 20 qof durba la xaqiijinayo, mid kamid ah aagaga aadka loo sugo amnigooda ee kuyaala Xayfa ayay ku dhaceen gantaal toos ah.
TELEGRAMKA-Muuqaalada

Warbaahinta ISR|L ayaa sheegaysa in weerarkan saaka uu ahaa midkii ugu xooganaa ee ay |ran ku qaado magaalooyinka waa weyn, 400 goobood ayaa halmar la weeraray, nidaamka difaaca hawada waa qaban waayay.

In ka badan 25 qof ayaa dhaawacyo qaba, 5 ayaa la xaqiijiyey dhaawacyo culus ah, 4 dhexdhexaad ah iyo inta kale oo isbitaalada la dhigay, kala gurida ayaa wali socota ma jirto faahfaahin dheeraad ah.

Afhayeenka ciidanka ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in ay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, Xarumaha hoggaanka, baaritaanka Biological, Amniga iyo kantaroolka.

In ka badan 25 qof ayaa dhaawacyo loo diwaangaliyey, dadku guryaha ayey kujireen waana dumeen guryuhu, Channel-ka 12aad ee ISR|L ayaa qiray in gantaaladu ay geysteen khasaare xoogan, 400 gooboodna ay halmar ku wada dhaceen midba gaarkiisa, nidaamka difaacuna shaqeyn waayay.

Leave a Comment