Talaado17, June 2025 {HMC} Wakaaladda wararka Iran ee IRNA , ayaa goordhow beenisay wararka la xiriira in la dilay madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay in weerarrada Israa’iil lagu dilay Ahmadinejad.
dhinaca kale
Warbaahinta rasmi ah Israa’iil ayaa ka soo xigatay labo sarkaal oo Israa’iili ah: “Israa’iil waxay dareemeysaa in codka iyo hadalka madaxweyne Trump ee ku aaddan Iiraan uu is beddelayo, balse wali lama caddeyn karo halkuu u jihaysan doono ama haddii uu damacsan yahay tallaabo toos ah oo ka dhan ah Iran, gaar ahaan duqeyn lagu beegsado xarunta nukliyeerka ee Fordow, sida uu doonayo Netanyahu.
Trump ayaa haatan wada-tashiyo hoose la leh golihiisa amniga, waxaana ilo xog-ogaal ah sheegeen in uu weli ka labalabeynayo go’aanka, inkasta oo hadalladiisa ay noqdeen kuwo sii kululaanaya.”