Talaado 17, June 2025 {HMC} WAR SAXAAFADEED KASOO BAXAY BOOLISKA SSC KHAATUMO WAXAA LAGU YIRI
Ciidanka booliiska SSC-Khaatumo, wuxuu warbixin hordhaca la wadaagayaa bulshadda taasi oo la xidhiidha dhacdo isugu jirta kufsi wadareed iyo jirdil ka dhacay magalada lascanod taariikhdu markay ahayd 14/6/2025,Ab:10:30pm fiidnimo,kaas oo ay ku eedaysanyihiin 24 eedaysane, Dhacdadaas oo ay dhibane kayihiin laba Gabdhood oo Reer SSC-Kjaatumo ah.
Waxaan bulshada reer ssc u cadaynaynaaa in dhacdadaas foosha xun ee kufsiga iyo jidh dilka ah ay ciidan ka boolisku ka hawl galeen waxaana 48 saac gudohood ay gacanta kusoo dhigeen 23 kamid ah eedaysanayashii, 1 eedaysane oo baxsqd ahna lagu raadjoogo.
Sidaa darteed waxaanu bulshadda u cadaynaynaa in dhammaan 24ka eedaysane ay wajihi doonaan cadaaladda jeerkaasna la hor gayn doono Laamaha garsoorka iyo cadaaladda Dowlad goboleedka SSC-Khatumo.
Ugu danbayn waxaanu bulshada Caasimadda iyo guur ahaa ta SSC-Ba ku boorinaynaa inay ku kalsoonaadaan laamaha amniga ee ku shaqada leh arimaha Ammiga.
Hadaba arinka baraha bulshada ee kusaabsan mid kamida edaysane yaasha oo kaqayb galay imtixaanka shahaadiga waxaan bulshada u cadaynaynaa in eedaysanahani uu ahaa mid ladagn ragga ku eedaysan tacadiga walina ay socoto baaristiisu.
Fg:Taliska ciidanku boolisku wuxuu saacadaha soo socda shaacin doona magacyada iyo wajiyada eedaysane yaasha.
Ciidanka Booliska ssc-khaatumo waxay ubalan qaadayaan bulshada ina talaabo adag oo u qalanta dhawaca iyo dhibta ay u gaysteen hablaahaas ay kala kulmi doonaan laamaha cadaalada ee ssc-khaatumo.