August 27, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Gantaallaha Iiraan oo khasaare badan ka geystay Israa’iil.

Axad 15, June 2025 {HMC} Wargeyska New York Times , ayaa ku warramay bartilmaameedyada muhiimka ah ee ay saakay gantaallo sita madaxto qarxa oo 1.5 tan ku garacday Iran , inuu ka mid noqday xarunta Cilmi-baarista ee Weizmann, oo ku taalla Israa’iil, taa oo hadda la sheegay inuu soo gaaray burburtay. Dab xooggan ayaa kacay gudaha dhismaha shaybaarrada, taasoo sababtay khasaare baaxad leh.

Waa maxay muhiimada iyo shaqada xaruntan Weizmann?

Xarunta Weizmann waxaa loo yaqaannaa maskaxda tiknoolajiyadda sirdoonka iyo difaaca casriga ah ee Israa’iil, waxaana ay si toos ah ugu ula shaqeysaa milatariga Israa’iil, iyadoo bixisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

•Horumarinta adeegyada Sirdoonka Artificial Intelligence (AI)
•Nidaamyada kormeerka iyo dabagalka (surveillance & monitoring systems)
•Falanqaynta xogaha sirdoon ee weyn (big data intelligence analysis)
•Hagidda iyo toosinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones)•Soo saarista hubka iskiis u shaqeeya ama si gaar ah loo hago
•Horumarinta qalabka saxda ah ee hagista iyo raadraaca
•Sameynta farsamooyinka jabinta isgaarsiinta iyo difaaca elektaroonigga ah (Electronic Warfare)
•Baaritaanno la xiriira tiknoolajiyadda nukliyeerka ama tamarta la hago
•Ilaalinta sirta iyo lambarrada militariga•Weerarrada la beegsado nidaamyada elektaroonigga ah ee cadowga
•Soo saarista dawooyin loogu talagalay askarta ku dhaawacanta goobaha dagaalka
•Taageeridda nidaamyada dayax-gacmeedka ee milatariga Israa’iil
•Horumarinta habab hageed cusub oo u adeegsan karo meelaha GPS-ka aan ka shaqeyn
•Bixinta isgaarsiin sir ah oo aan la basaasikarin xilliga dagaal ama ay howlgallo ka socdaan dhulka cadawga

Weerarkan ayaa loo arkaa inuu yahay dhirbaaxo weyn oo lala beegsaday maskaxdii tiknoolajiga milatari ee Israa’iil, taas oo si weyn u wiiqi karta awoodda istiraatiijiga ah ee milatarigeeda, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka, diyaaradaha aan duuliyaha iyo difaaca ka dhanka ah weerarrada dijitaalka ah iyo kuwa cirka. Weeraradan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ay si xawli ah u cirka isku sii shareerayso, iyadoo ay Iran muujinayso in weerarrada hadda socda aysan ku koobnayn bartilmaameedyo milatari oo caadi ah balse ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha ugu muhiimsan ee Israa’iil ku tiirsan tahay tiknoolajiyan iyo istaraatiijiyad ahaan.

Leave a Comment