30.3 C
New York
July 16, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Maxaa ka taqaanaa awoodda ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.?

Jimco 13, June ,2025  {HMC} Ka dib dhicidii awoodii boqortooyadii Shah ee ka talin jaray Iran, mas’uuliyiinta cusubi waxay ogaadeen inay u baahan yihiin ciidan weyn oo u heellan hadafyada nidaamka cusub iyo inay difaacaan qiyamka iyo mabaadi’da kacaanka.

hogaamiyashu waxay diyaariyeen xeer cusub oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah ee milateriga, kuwaas oo loo igmaday ilaalinta xuduudaha dalka iyo ilaalinta amniga gudaha, iyo ciidamada ilaalada kacaanka (Pasdaran) oo loo xilsaaray ilaalinta nidaamka talada haya.

Dhinaca dhulka, doorka labada ciidan ee aan kor ku soo xusnay ayaa had iyo jeer is dulsaaran. Tusaale ahaan, Ilaalada Kacaanku waxay sidoo kale fulisaa hawlaha kaalmaynta ilaalinta amniga guud, waxayna si joogto ah u xoojiyaan ciidamadooda, kuwa badda iyo cirka.

Muddo ka dib, Ilaalada Kacaanku waxay isu beddeleen cudud ciidan, oo ku sidkan hab siyaasi ah iyo mid dhaqaale gudaha Iran

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Jacfari, ayaa kaalin weyn ka qaata fulinta hawlihii uu u igmado Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka.

Waxaana markii danbe la isku biiriyey ciidamada ‘Baasij’ oo ah ciidamada gaara iyo kuw ilaalada kacaanka kuwaas oo wax laga beddelay istiraatijiyadda cusub ee ciidamada kacaanka oo hoos tagaya awaamiirta hogaamiyaha sare.

Hawsha ugu weyn ee ciidamada Kacaanka hadda waa in marka hore laga hortago khataraha cadawga gudaha, iyo in ciidanka laga caawiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha dibadda.

Tirada cidamada Ilaalada Kacaanka ayaa lagu qiyaasaa ilaa 125,000, waxaana ay leeyihiin ciidamo dhulka ah, marka laga soo tago cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa cirka, waxaana ay kormeeraan hubka istiraatiijiga ah ee Iran.

Xigasho BBC

Leave a Comment