25.3 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Kulannada wacyigelin iyo isku xerka Booliiska iyo Bulshada oo laga daahfuray Degmooyinka Mahas ,moqokori iyo Adan yabaal ee HirShabelle

03-Janaayo 2025 {HMC} – Wasaaradda Amniga gudaha Hirshabelle ayaa manta dib u furtay Kulanno Bulsho oo ah wejiga 2aad kuwaasi oo Ujeedkoodu yahay in lagu xoojiyo awoodda hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka ee bulshada si ay dib ugu dhisaan bulshadooda dagaalka kadib.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray nabad dhisidda iyo kor u qaadidda wada shaqaynta booliiska iyo bulshada.

Aqoon-is weydaarsigani ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Mukhtaar Cabdulle,Agaasimaha aaya marka hore ka mahadceliyay sida bulshada ay heegan ugu tahay la shaqeynta hey’adaha Amniga “Waxaan halkan maanta idinkula joogaa anigoo ah wakiilka Wasaaradda Amniga, balse sidoo kale ah muwaadin fahansan mugdiga colaadda iyo dhibaatooyinki laga dhaxlay , Dhulkani – waa dhulkiinna – waxa uu soo maray waqtiyo adag.

Qaar idinka mid ah guryihiinna ayaad waayseen, qaarna nolol maalmeedkiinna, qaarna qaraabo iyo asxaab.

Laakiin maanta halkan ayaad joogtaan. Annaguna halkan waan joognaa. Taasi waxay markhaati u tahay adkeysiga naftiinna iyo midnimada bulshada kaddib xoreyntii halkaan loga saaray kooxaha Nabad-diidka ah ee AS””

Agaasimaha Guud wuxuu sheegay in xoreynta aysan ku ‘ ekeyn dhul la qabsado kaliya, balse ay tahay soo celinta kalsoonida, dib u dhiska xiriirrada, iyo kor u qaadidda rajooyinka. Wuxuuna xusay in hawshaasi ka bilaabanayso iskaashi u dhexeeya dadka deegaanka iyo kuwa ilaaliya amnigooda.

Sidoo kale, saraakiisha booliiska degmooyinka ayaa la hadlay bulshadii ka qaybgashay. G/le Kaafi, oo ka mid ahaa saraakiishii kulanka ka qaybgalay, wuxuu yiri:

“Dhamaan saraakiisha halkan fadhida: ma tihidin kaliya booliis amar fulin ah – waxaad tihiin dhisayaal buundooyin. Waxaad tihiin nabad-doonayaal, adeegayaal bulshada, iyo dhageystayaal. Dareeska aad xirataan waa astaan u ah adeeg iyo isla xisaabtan, ma ahan amar keliya.”

“Idinka oo ah xubnaha bulshada – codkiinnu wuu muhiim yahay. Hadla. Ka qeyb qaata. Inaga dalbada tayada ugu sarreysa. Nala wadaaga waxa amni idiin ah la micno yahay. Waayo, ammaanka dhabta ahi laguma soo rogo – si wadajir ah ayaa loo abuuraa.”

Taliyaha Booliiska wuxuu isaguna xusay muhiimadda ay leedahay isku xirka bulshada iyo kalsoonida laga dhex abuuro dadka deegaanka iyo ciidamada ammaanka, isagoo yiri:

Kulannadan ayaa si rasmi ah loogu qaban doonaa magaaloyinka Moqokori iyo Aden yabaal iyada oo degmo kasta ka qeyb geli doonaan 75 xubnood oo ka kala socdo bulshada ,hey’adaha amniga iyo maamulka degmooyinka .

Leave a Comment