24.8 C
New York
July 6, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Mareykanka iyo Ukraine oo ka wada hadlay xoojinta difaaca cirka..

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu wadahadal muhiim ah la yeeshay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, kaasoo ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa difaaca cirka ee Ukraine, xilli ay sii kordhayaan weerarrada cirka ee Ruushka.

Labada hogaamiye ayaa ku wada hadlay taleefan, iyadoo ay socdaan duqeymo culus oo ciidamada Ruushka ay ku hayaan magaalooyin badan oo ku yaal gudaha Ukraine.

Wadahadalkan ayaa yimid kadib markii Mareykanku uu shaaciyay inuu hakad gelinayo qayb ka mid ah hubkii uu horey u siin jiray Ukraine, taasoo ay ka mid tahay nidaamka difaaca cirka ee Patriot. Tani waxay dhalisay walaac xooggan oo Kyiv ka muujisay in go’aankaasi uu wiiqi karo awoodda ay u leedahay inay iska difaacdo weerarrada cirka.

Ukraine waxay si cad uga codsatay Mareykanka inuu siiyo gantaalo dheeraad ah oo Patriot ah, kuwaasoo ay u aragto inay muhiim u yihiin difaaca magaalooyinka iyo ka hortagga duqeymaha Ruushka.

Dhinaca kale, dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay wadahadallo kula jirto dhinacyo kala duwan si ay u iibsato nidaamyada difaaca cirka ee Patriot, si ay u buuxiso farqiga ka dhashay hakadka Mareykanka.

Leave a Comment