24.8 C
New York
July 6, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Kulan Xasaasi ah oo Ka Socda Xerada Xalane iyo Qodobada Miiska Saaran

Waxaa ka socda gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho kulan muhiim ah oo u dhaxeeya qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku bahoobay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wixii kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay Villa Soomaaliya, kaasoo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay wakiilada beesha caalamka la wadaagayaan aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka, iyo sidoo kale natiijada kulamadii ay la yeesheen Madaxweynaha—kuwaas oo qodobo muhiim ah lagu kala aragti duwanaaday.

Wakiilada beesha caalamka ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo cabashada laga qabo muddo kororsi ay sameyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan.

Kulankan ayaa loo arkaa mid go’aami kara jihada ay siyaasadda Soomaaliya u jeesan doonto toddobaadyada soo socda.

Leave a Comment