Cristiano Ronaldo ayaa si ula kac ah uga baaqday inuu ka qeyb galo aaska murugada leh ee Sabtidii lagu qabtay magaalada Gondomar ee dalka Portugal, kaasoo lagu sagootinayay xiddiga xulka Portugal Diogo Jota iyo walaalkiis André Silva, kuwaas oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay gudaha Spain.
Sida ay warisay warbaahinta The Mirror, Ronaldo wuxuu ka baqay in imaanshihiisa uu dareenka dadweynaha iyo warbaahinta ka leexiyo ujeeddada dhabta ah ee aaska—oo ahayd in si xushmad leh loogu baroor diiqo labada marxuum.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Ronaldo uu si qoto dheer uga fikiray saameynta ay yeelan karto joogitaankiisa, isagoo ka walaacsanaa in warbaahintu ay isaga diiradda saarto halkii ay ka muujin lahaayeen xushmad iyo murugo ku aaddan geerida saaxiibkiis iyo walaalkiis.
Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaa xaqiijiyay maqnaanshihiisa, iyagoo sheegay in Ronaldo uu qorsheynayo inuu si gaar ah ula tacsiyadeeyo qoyska Jota maalmaha soo socda.
Inkasta oo ay aaska ka qeyb galeen ciyaartoy kale oo caan ah, asxaabtii Jota ee Liverpool, saraakiil iyo dadweyne badan, haddana maqnaanshaha Ronaldo ayaa dhaliyay hadal hayn iyo su’aalo badan oo ku saabsan sababta uu uga baaqday.
Si kastaba ha ahaatee, qoyska marxuumka ayaa codsaday in aaska lagu maamuuso xasillooni iyo xushmad, taasoo la rumeysan yahay inay ahayd sababta ugu weyn ee Ronaldo uu u doortay inuu ka fogaado munaasabaddaas si aysan dareenka bulshada ugu wareegin dhankiisa.