Dowladda Mareykanka , ayaa ka shaqeeneysa sidii heshiis diblumaasiyadeed u gaari lahaayeen madaxda dowladaha Suuriya iyo Israa’iil, xilli Bariga Dhaxe wali ka taagan tahay xiisadii ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya dowladda Iran iyo Israa’iil.
Telefishinka Israa’iil ee Channel 12, ayaa shaaciyay in meel fiican marayaan wadahadallo u dhaxeeya Suuriya iyo Israa’iil, waxa uuna telefishinka sheegay in wadahadalka uu hadda meel fiican marayo ayna ku dhaw yihiin labada dhinac in ay gaaraan hesgiis diblumaasiyadeed oo taariikhi ah.
Suuriya, ayaana la sheegay in Israa’iil ka dalbatay in ay ka baxdo dhammaan dhulalka Suuriya ee ay qabsatay wixii ka dambeeyay 8-da December 2024, waxaana la sheegay in Israa’iil aqbashay dalabka Suuriya, iyadoona taas loo arko tallaabo weyn oo lagu xallinayo khilaafka dhuleed ee labada dhinac.
Labada dhinac , ayaa sidoo kale isku fahmay in buuraleyda Golan Heights, oo ah dhul muhiim ah oo istaraatiiji ah in laga dhigo Beerta Nabadda, taasoo noqon doonta aag aan milatari joogin, isla markaana lagu horumarinayo dalxiiska, dhaqaalaha, iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Wadahadalkan u dhaxeeya dowladaha Suuriya iyo Israa’iil, ayaa haddii guul ku dhammaado Mareykanka iyo xulufadiisa u arkaan guul weyn, waxaana maamulka cusub ee la wareegay talada dalka Suuriya lagu cadaadinayaa in heshiis dhaw oo diblumaasiyadeed la yeeshaan maamulka Israa’iil.