Xiisadda ku saabsan suurtagalnimada uu Nico Williams ugu wareegayo kooxda Barcelona ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo kooxda Athletic Club ay si adag uga hortageyso in la dhammeystiro heshiiskaas.
Sida ay sheegtay warbaahinta Mundo Deportivo, sawir-gacmeed ku yaalla magaalada Barakaldo oo lagu muujiyay Nico Williams iyo walaalkiis Iñaki Williams ayaa mar kale la waxyeelleeyay toddobaad gudihiis. Weerarkii ugu dambeeyay, wajiga Nico ayaa la tirtiray, waxaana lagu qoray farriin aflagaado ah oo meel ka dhac ah.
Toddobaadkii hore, taageerayaal cadheysan ayaa ku qoray boodhka sawirka: “Hadday noqoto inaad joogto ama aad tagto, cid ixtiraam kuu heysa ma jirto.” Farshaxanistaha Carlos Lopez iyo kooxda Athletic Club ayaa dib u hagaajiyay sawirka, balse isla habeenkii xigay ayaa mar kale la weeraray.
Weerarkan cusub wuxuu sii kordhinayaa culayska iyo cadaadiska la saaray Nico Williams. Warbixino ka imaanaya gudaha Spain ayaa sheegaya in Nico uu ka codsaday Barcelona inay dhammeystiraan heshiiskiisa ka hor 9-ka Luulyo, oo ah maalinta ay Athletic Club dib u bilaabayso tababarka xagaaga.
Xaaladdan ayaa muujinaysa heerka xiisadda iyo kala qeybsanaanta taageerayaasha kooxda ee la xiriirta suurtagalnimada bixitaanka xiddigan reer Spain, iyadoo weerarrada lagu hayo sawirkiisa ay ka tarjumayaan dareenka adag ee bulshada.