Ninka Raga Ah Muxuu Ku Nacaa Marwadiisa “Baro Qodobadaan Kana Fogooow..

Waxaa batay is af garanwaaga ka dhaxeeyo aadmiga haba u badnaadeen raga iyo dumarka wada saaran tariinka nolosha ee qoyska, sadaxeeyaha ama nacabka jaceylka ayaa helay fursado aad u fudud uu kaga faaideysan karo lamaanaha is jaceyl.

Hadaba waxaa haboon in labada qof ee nolosha wadaagayaa qof walbaa uusan isticmaalin wax walbo uu maskaxdiisa ka maagaa, waxaa wanaagsan in uu tix geliyaaa fikirka lamaanihiisa, si halkaasi ugu dhaco is af garad, waayo is afgaran waaga ugu weyn ee qoysaska kala geeyo ayaa ah mid dag dag iyo go’aan keli gaaris ah.

Hadaba raga soomaaliyeed waxeey aad u necebyihiin qodobadaan gaaban ee aan hoos ku xusi doono haduu EEBE idmo, anagoo qrmadeena xigto kusoo qaadan doono dumarka iy asbaabaha aay raga ku nacaaaaaaaan.

1 – Ragu waxeey aad u neceb yihiin dumarka hurdada ku daaha, ragu ma jeclo markeey soo kacaan oo danahooda musqusha dhameystaan in aay weli sii arkaan marwadii oo weli jiifto, macnaha “ragu majeclo dumarka caajiska badan”

2 – Ragu ma jeclo xaaskooda ineey ku arkaan af ur ama caday la’aan taasi waxeey la mid tahay in ragu mar naba aaysan jecleyn dumarka aan nadaafada iyo isqurxintaba ka muuqan.

3 – Ragu ma jeclo dumarka suaasha lasoo taagan ee CaLaaMaTuL su’aalka ah “??” mana jeclo gabadha aamusnaanta badan ee wuxuu weeydiiyaba ugu jawaabto ma aqaan taasi waxey la macno tahay ragu ineey jeceylyihiin marwada furfuran ee hadalkeedu dhexdhexaad yahay.

4 – Ragu waxeeysan jecleyn marwada mar weliba ugu sheekeeyso qof kale hadalkiisa, waayo ragu ma jeclo marwada ku dhaqanto hadafyada dadka kale taasina waxeey la macno tahay in gabadha isku kalsoon marnaba aaysan ninkeeda ugu sheekeyn hadal sadaxeeye ama qof kaleba.

5 – Ragu waxa kale oo aaysan jecleyn dumarka aan qiimeyn waalidkiis ama aadka u neceyb labada qof jaceylkooda wuxuu xoogeysan karaa markuu ixtiraam ka dhaxeeyo.

Intaasi iyo in qarsoon aan lasoo bandhigi karinba ragu majeclo hadaba dumaroow la soco maqaalada xigo iyo waxyaabaha ragu ku abuuro jaceyl aan salguurin, ragoow adigana lasoco maqaalada xigo iyo sidaan dumarka ugu hadalnay oo kale.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *