Allaah ayaa mahad iyo maamuusba usugnaatay mid aan lala wadaagin oo gaar ahaaneed…Nabad gelyo Naxariisrna Korkiisa ha ahaatoo saadiqul masduuq Muxamed Scw…
Guud ahaan bulshadeena soomaaliyeed waxaa aad ugu soo yaraanaya guurkii iyo yagleelidii guryaha iyo qoysaska….. hakad kaas ku yimid guurkii saxda ahaa oo ah nasiib darro waxaa barbar socda oo iyaduna nasiib darro ah burburka qoysaskii dhisnaa oo iyaduna aad loo dareemayo kuna soo badanaya bulshawaynteena soomaaliyeed……Nasiib darrada ugu wayn ee soo jireenka ah, ama dhibaato ba’an ku reebay guurkii iyo jaceylkii ayaa iyaduna waxay tahay (isma gayno) oo iyaduna noqotay halhays ay kasoo horeyso dhalinyaro badan oo rag iyo dumarba leh…….
Waxaa jira dhalinyaro badan oo jooga marxaladihii ay wajihi lahaayeen guur kuwaas oo ay ka go,antahay in ay utafa xaytaan sidii ay dhidibada ugu taagi lahaayeen guri iyo qoys…. balse sababaha hor taagan ayaa waxaa kamid ah.
dhalinyaro badan waxaa u saamixi la, waayaha nolosha iyo wakhtiga la marayo gaar ahaan bulshadeena soomaaliyeed oo hayaan dheer ku jirtay illaa 1991-di waxaana jiro dhibaatooyin family oo fursad usiin waayay dhalin yaro badan in ay guursadaan..
- Waxaa jira dhalinyaro iyaguna guurkii sas ka qaaday indhahooduna macalin unoqdeen kadib markii ay arkeen kuwii ka horeeyay oo xaaladodu noqotay ijiid aan ku jiidee,, waxayna guurka ka aamineen fikrad khaldan oo odhanaysa …guurku wuxuu soo kordhinayo maba jirto oo aan ahayn walwal buuq iyo walbahaar joogto ah.
- Waxaa jira dhalinyaro badan oo niyad , wakhti iyo isku filaanshoba u haya guurka ,balse ay hortaagantahay dhaqano gurracan iyo hal qabsiyo (isma gayno) iyo dhaqano gurracan oo aan marnaba meelna kasoo galayn diinteena xaniifka .. waxaa laga yabaa in dhalinyaradaasi leeyihiin dhamaan asbaabihii Ragganimo, Aabonimo,, haddii ay ahaan lahayn , mid diineed, mid caqliyeed , mid maamuul ….isagoo shahaadooyinka wata ayaanan loo tix galin balse waxaa loo tixgaliyaa oo kaliya oo kaliya qabiil iyo isirka khaldan…….. waxaanay taasi sii kordhisay godobta aan loo kala hadhin ee dhinac kasta lagaga weeraray qaar kamid bulshawaynta soomaaliyeed…iyadoo lakala qoqobay lana kala saraysiiyay dad isku mid ah.
Waxaa maanta nasiib darro iyo wax laga yaqyaqsado in lagu tilmaamo ah in ummadeenii soomaaliyeed ee aqoonta buuxda ulahayn diinteena islaamka in aan iska indho tirno xadhiithkii nabigeena scw ee ahaa ((hadduu idiin yimaado nin diin iyo akhlaaq leh oo uu gabadh idinka soo doone u hibeeya oo siiya)) islamarkaana ay qowlkaas rasuulkeena scw ee saxda ah ay ka door biddaan erayo la hal abuuray (isma geyno) oo aan sal iyo raad toona ku lahayn diinteena islaamka iyo dhaqanka suuban labadaba…….
Waxaa maanta nasiiib darro ah in dadkeenii soomaaliyeed ee 99.9% muslimiinta ahayn aan iska indho tirno xadhiithkii rasuulka ee ahaa ((haddii aad dooneyso inaad guursato waxaad ku xulataa qofka Quruxda, Maalka, Nasabka,&Diinta….oo uu waliba ku celceliyay Tan Diinta leh)) islamarkaana ay ka doorbidaan maahmaahyo hal qabsiyo ay kamid yihiin (waxaad taqaan guurso waxaad taqaan ayaad dhashaaye) iyagoo kuwii la dhashay ee ay isku dhiig ahaayeen , isku diinta isku deegaanka iyo meel walba iskaga midka ahaayeen u isticmaalay eraygaas aan cilmiga ku dhisnayn ….ma Erayga NASABKA ayay si kale u qaateen? jawaabtu waa maya oo haddii caalim oo dhan usheego walgood waa halkoodii..
Dhaqankaas jahliga iyo dulmiga ku dhisan ayaa ah mid curyaamiyay fikrado badan oo kasoo burqanayay xiska iyo dareemada dhalinyaro fara badan oo guur u diyaar u ahaa islamarkaana sugayay farxad iyo rayrayn guur oo ay kunoolaadaan mustaqbalka , waxayna ku abuurtay ciil iyo murugo, waxayna dareemeen wal wal iyo godob wayn oo laga galay noloshooda ,,
Run ahaantii guurku wuxuu soo maray marxalado fara badan oo kala duwan ilaa laga soo bilaaboo bilowgii aadama iyo aas-aaskii nolosha taranka aadama,, wuxuu soo maray guurku xili ay isku banaanyihiin labada walaalaha ah ,,dulucda iyo ujeedada laga lahaana waxay ahayd in la helo bulsho wayn reer banii aadam ah oo kusii nagaada kownkan aan ku noolnahay,, guurkuna wuxuu ahaa ilaa hadana yahay isha taranka aadamaha waana dhaxal aan duugoobin oo wax tar balaadhan inoo leh haddaan nahay reer banii aadam….
Soo diritaankkii raasuulka scw iyo soo if bixii diinta islaamka kadib guurku wuxuu yeeshay axkaam iyo sharciyo ugaar ah oo ku dabaqan diinta islaamka ee aynu haysano ,,ku dhaqankeeda ku toosnaanteeda waxaan ahayna waxaa hubaal ah in aynaan aflaxayn aakhiro iyo aduun toona……..Illaaheena wayn oo awooda iyo leh Subxaanahu Watacaalaa ayaa dhamaan muslimiinta isku baneeyay iskuna xalaaleeyey , iskuna fasaxay in ay is gayaan isagoonan u eegin isir iyo qabiil toona ,,marka waxaynu u aamino (Isma geyno) ayaa ah mid Allaah inoogu cadhoonayo inagoo nafteena raalina galinayna ilaahayna scw ka cadhaysiinayna…..
Siddee Loo Joojin Karaa Isma Gayno ?
- Dhammaan banii aadamku waxay leeyihiin meel ay isku dhaafaan kuna kala weecdaan waa meesha lagu kala hadho waana aasaaska iyo barbaarinta suubaan ee waalidka,, waa gacan qabashada iyo gardaadinta carruurta yar yar, waxaa haboon in waalidku carruurtooda ka koriyaan dhinac kasta , xisaabtana ku daraan in aan carruurta lagu duubin canjalada qabyaaladaysan ee ay laxanka saareen jaahiliinta soo jireenada ah , laguna duubo canjalada saxda ah ee Allaah swt ka raalida yahay waayo carruurtu waa canjalad cusub maskaxdoodu waxayna ubaahanyihiin in lagu duubo wax wanaagsan oo anfacaya raadna ku yeelan kara mustaqbalkooda danbe, marka waxaan leenahay (awrka danbe awrka hore socodkiisa ayuu leeyahaye) waalidku ilaahooda ha ulaabtaan hana ogaadaan in la waydiin doono tarbiyada carrruurtooda.
- Sidoo kale waalidku waa in ay carruurta aqoon buuxda kasiiyaan diintooda, waalidka soomaaliyeed waxay carruurtooda geeyaan malcaamad quraan kaliya kumana filna, gurigana waxaa uga furan malcaamad kale oo la yidhaahdo (malcaamad quraafaad) ha ogaadaan in carruurtu dhagaha u raaricinayaa hadalada iyo afkaaraha waalidka iyo qoyska ee ka socda guriga ….
- Waa in ay waalidku ilaahooda ka baqaan mar kale ayaan ku celinayaa ilaahiina ka baqa hadaad tihiin waalid,,, haddii wiiilkaaga ama gabadhaadu ay is doonaan qof muslim ah oo haysta diinta ilaahay ku qiimeeya labada nabigu scw ee ah (diinta iyo akhlaaqda) hana ku qiimaynina isirka iyo aqoonta khaldan ….kana daaya carruurta guurka doonka ah kalifaada iyo habaarka iyo dayrada aad iskugu daraysaan sidii in ay naftiina danbi ka galeen ama idin caasiyeen…..
- Hadaad tahay qof dhalinyaro ah waxaan kugula dardaarmayaa cabsida alle …. waligaana naftaada waxaad ka dheeraysaa (isma gayno) kuna xulo gayaankaaga sida saxda ah iyo dardaaranka nabigeena scw ….. iskana ilaali in ay afkaaga kasoo baxaan hadalada damqashada ku abuuraya qayrka… ogow adba maad jeclaan lahayd in lagu xumeeyee ….ugu yaraan hadaanad awoodayn hadal samo iyo wanaag leh ku hadal.
WQ: C/naasir Faarax Maxamed