Lamaanaha is Qabo Midkood Oo Sameeyo Sidan ayaa Sabab U Noqdo Xurgufta Qoyska…

Had iyo jeer waxa lamaanaha ka suura gasha in is qabasho iyo kala aragti duwanaani, dhexdooda ka dhacdo, taas oo la mid ah sida maahmaahda Somaliyeed tidhaahdo, “Carab iyo labadiisa daan ayaa is diida.” Hasa yeeshee kala duwananaanshaha fikirku maaha xurguf iyo xiisad ka dhex jirta dadka, balse waa mid u baahan in la isku dul qaato oo laga shaqeeyo sidii la isugu qancin lahaa wixii aragti ah ee lagu kala duwan yahay.

Hasa yeeshee sida dadka u kuurka gala arrimaha qoysku ay sheegayaan waxa jira, ficilo iyo arrimo abuuri kara, dagaal iyo dhibaato qoyska ka dhex qaraxda, inta badana ka dhalan karta haddii mid ka mid ah lamaanuhu uu ka dhego adaygo, isla markaana waji dadab iyo is diidsiin kula kaco dhigiisa ay nolosha wadaagaan.

Run ahaantii waa mid lagu kala duwan yahay fasiraada xaaladaha noocan oo kale ah, waxaana aadamuhu mid walba dhiniciisa u aaminsan yahay inuu sababta leeyaha ka kale, hasa yeeshee sida runta ah, muranka iyo xurgufta dhamaan wayda isla markaana marar kala duwan soo noq noqda waxa dhab ah in uu masuuliyadeeda leeyahay mid ka mid ah lamaanaha oo hab dhaqan u muuqda yasid ama xaqiraad kula kaca ka kale.

Mid ka mid ah rayi ururinaha la xidhiidha arrimaha qoyska oo laga sameeyay dalka Masar ayaa lagu ogaaday, in mar kasta oo lamaanaha midkood ka waji dadbo ka kale, isla markaana ka cararo dhagaysiga fikirka iyo aragtida ka kale ay ku keento ama ka abuurmo khilaaf ba’an oo sababa in qoysku ku dumo.

Inta badan waxa jira dhaqan raga iyo haweenka mid walba dhiniciisa aaminsan yahay, oo aan la malayn karin meesha uu asal ahaan ka soo jeedo, hasa yeeshee noqday wax laga siman yahay oo qaaradaha isaga gudbay, tusaale ahaan, waxa dhaqamadaa ka mid ah, haddii dhinaca raga aynu ku horayno in inta badan ragu haweenka ka aaminsan yahay in aanay daacadnimo badani ku jirin, sidoo kale waxa uu ragu sas wayn ka qabaa, xidhiidhka xaaskiisa iyo qoyska ay ka soo jeedaa haddii uu noqdo mid aad u sareeya, gaar ahaan gabadha hooyadeed “Sodohda” waana mid sida baadhitaano badan lagu ogaaday aanu marnaba ninku qalbiga ka ladin inta uu arkayo sodohdii oo gurigiisa ku soo noq noqonaysa.

Sida dadka arrimahan u kuurka galaa tilmaameen, aragtida noocan oo kale ahi waxa ay ka soo hor jeeda, ama lidi ku tahay, guud ahaan kalsoonida iyo xuquuqda dhinaca kale, haddii dhinaca haweenka laftooda laga eego, waxa ay inta badan iyaguna ka dar daar wariyaan, shaqada wanaagsan ee ninkoodu helo iyo horumarka u soo kordha, oo sida inta badan haweenka ka muuqata aanay mahadin ama aanay ku farxin.

Runtii sida faalooyin kala duwan lagu xusay, haweenku waxa ay qulub markaba ka qaadaan isla markaana si deg deg ah wajiyadooda looga akhrisan karaa, haddii horumarka iyo guulaha ninkeedu bataan, halka ninkuna laga yaabo in uu jeclaysto ama ku farxi lahaa inuu arko xaaskiisa oo si wayn ugu sacabinaysa.

Marka la leeyahay ragu way dhibsadaan xidhiidhka wanaagsan ee gabadha iyo qoyskooda, isla markaana la garab dhigayo haweenka oo in badani fadhiga hayn waayaan marka nnkooda wax u kordhaan, maaha in dhamaan aadamigu sidaa wada yahay, haddii ay rag tahay ama dumarba, oo kala duwanaansho iyo kala aragti waa la yeelan karaa, waanay jiraan, rag waalidka xaaskiisa u aaminsan una xaq dhowra sida waalidkiis oo kale, waanay badan yihiin haween ragooda u sacabiya oo ilaa guulo sare iyo martabad aanu filayn gaadhsiiyaa, laakiin inta had iyo jeer wax laga calaamadiyo ayaa ah inta aafada ama dhibaatada ku ah.

Waa mid la wada dareensan yahay in ninku og yahay faa’iidada reerka gabadhiisu noloshiisa u leedahay iyo wanaaga ugu jira sodohdii oo nool, gabadhanu way garan kartaa sida ninkeeda oo guulaystaa iyada lafteeda guul ugu tahay, hasa yeeshee waa kalsooni daro, dhinac walba ka qabo dhinaca kale, waana dhaqan aad moodo in la isugu soo dar daarmay.

Mid ka mid ah dadkii xog ururintan sameeynayay, oo u dhashay dalka Maraykanka dhawr jeer oo horana ka qayb qaati rayi ururuno ka dhacay waddamo kala dhaqan, diin iyo cirqi kala duwan, oo ka hadlay natiijooyinka aadka isugu dhow ee baadhitaanadan ka soo baxay, waxa uu tilmaamay in abuurka labadan jinsi ay ku xidhan tahay kana dhashaan xurgufahani, tusaale ahaan waxa uu khabiirkani sheegay in haweenku markaaba meesha soo dhigtaan in ninku khiyaamayn doono oo faraheeda ka bixi doono.

Raga ayaa iyaguna markiiba ku xisaabtama in talaabooyin ku lid ah iyo bur bur dhaqaale ama aragtiyeed laga yaabo in ay u dhasho isku soo dhawaanshaha afadiisa iyo hooyadeed, waxaanu inta badan ninku u arkaa in ujeedada ugu wayn ee gabadhu qoyskooda ugu maran tahay qayb ka tahay madax taag iyo xaqiraad isaga ku aadan.

Gabadha lafteedu waxa ay dareentaa in haddii ninku isla helo xoriyad iyo horumar uu wax walba ilaawo, wixii soo kordhaana uu ku noqon karo, dhibaato xageeda ku soo siyaaday, waxaanay si cadaan ah u muujiyaan ama markiiba ka biyo diidaan waxyaabo markii hore ula muuqday kuwo dabiici ah, waxaana bata su’aalaha la isku cel celiyo iyo gaabsasho ama waji dadbid lagaga jawaabo, wallow laga yaabo in mararka qaarkood qofka ku kacayaa u arko in ay xal tahay, haddana waa mid sii shida xurgufta ugu danbayntana horseedi karta in qoysku ku dumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *