Barnaamijkii Kobci Maskaxdaada Iyo Ficilada Niyad Jabka Keeno!!

Barnaamijkeena Kobci Maskaxdaada Isbuucaan Waxaan ku soo qaadaneynaa 11 qodob oo dhamaantood niyad jab ku keeno qofka bini aadamka ah, hadaba isku day inaad iska illaaliso qodobadaan hoos ku xusan si aad ula coloowdo niyad jabka, inkastoo marna nolosha niyad jab tahay marna farxad tahay.

Hadaba ka tasho arimaha niyad jabka si degana u akhriso qodobadaan aanu kusoo qaadanay barnaamijkeenii xiisaha badnaa isbuuclaha inoo ahaa ee Kobci Maskaxdaada.

Ka Bogosho Wacan.

1. Marka aad la kulanto dhibaato oo aad garabkaaga ka waydo saaxiib kula wadaaga murugada, kaalana dabaasha masiibada, niyad jab dheh

2. Marka eraykasta iyo ficil kasta oo kaa yimaada loo fasirto xumaan, niyad jab dheh

3. Marka la dafiro deeqsinimadaada iyo waxtarkaaga, niyad jab dheh

4. Marka cimrigaagu tago adiga oo aan inyarna ka gaadhin riyadaadii, niyad jab dheh

5. Marka aad si fudud u waydo waxii aad mudada badan ku soo tabcaysay, niyad jab dheh

6. Marka uu ku khiyaameeyo qofkii dad kuugu xigay, niyad jab dheh

7. Marka aad la kulanto saaxiib aanad mudo arag, xiisana aad u qabtay la kulankiisa balse uu magacaagiiba garanwaayo, niyad jab dheh

8. Marka dhabarka lagaa wareemo ee aad ogaato qofka ku dilay inuu yahay ehelkaa, niyad jab dheh

9. Marka aad aragto duni qofkaad u jeclayd oo dareenkaaga kalkacal ka maadsanaya, niyad jab dheh

10. Marka qofkii aad dunida ugu jeclayd kuu cadeeyo in aanad agtiisa wax qiima ah ku lahayn, niyad jab dheh

11. Marka lagugu tuhmo waxa aanad gaysan dadkoo dhamina isugu markhaati furo in aad samaysay, niyad jab dheh.

Barnaamijkaan ayaan aalaaba kusoo qaadan jirnay qodobo xikmadeysan balse isbuucaan waxaan kusoo qaadanay tallooyin muhiim ah, intaan dib ugu kulmi doono waa bahda kobciye.com oo idiin leh JIMCO WANAAAAAAAAGSAN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *