26 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Shiinaha Oo Soomaaliya ka Caawinayo Dagaalka AS.

Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu.

Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray iskaashiga labada dowladood ee dhinaca Difaaca iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Danjiraha dowlada Shiinaha ayaa dhankiisa balan qaaday in dowladdiisa kaalin weyn ka qaadanayso qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo sidii ay ugu guulleysan lahayeen sugida, xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dowlada Shiinaha taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo iskaashiga labada dal.

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Soomaaliya iyo Shiinaha ay yihiin laba wadan oo leh xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, kuwaas oo iska taageera dhinacyada amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida labada dowladood.

Leave a Comment