Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wararka laga helayo Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya inuu Dagaal culus ka socdo degaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada xoogga Dalka.
Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay ciidamada xooga dalka ee isugu jira Danab iyo Gorgor ku qaadeen degaanka Masaaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhexe oo halkaasi ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Wararka laga helayo dadka degaanka iyo ciidamada degaanka ayaa sheegaya inay Ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Masajid Cali-Gaduud, iyadoo dagaal looga saaray Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay inay Ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ay gudaha u galeen, iyadoo dagaalkuna weli socdo.
Weerkan ayaa yimid, kadib diyaar garow ay maalmahan wadeen ciidamada dowladda oo mar kale isu diyaariyay inay dib ula wareegaan degaanadii Alshabaab hore u qabsadeen.
Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada XDS, Daraawiishta Dowladda Hirshabeelle, iyo Ciidanka xaq-u dirirka ee dadka deegaanka ayaa si buuxdo ula wareegeen degaanka Masjid Cali Gaduud, isla markaana Alshabab lagu gaarsiiyay jab aad u culus.
Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay wadaan howlgallo oo lagu nadiifinayo magaalada Masaajid Cali gaduud.
Weerarka ay maanta ciidamada dowladda qaadeen ayaa ka mid ah qorshaha dib-u-xoreynta guud ee gobolka Sh/Dhexe.