Talaado 24 June 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa bartiisa X ku soo qoray “Xabbad joojintu waa ay hirgashay, Fadlan ha ku xad-gudbin”
dhinaca kalle Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dhankeeda ay ka hirgashay Xabad joojintii, wasiirka arrimaha dibada Abbaas Caraaji ayaa sidaas sheegay.
Daqiiqadihii u dambeeyey ay Tehran weerartay, goobo kale duwan oo kuyaala gudaha magaalooyinka ISR|L waxaana ku dhintay in ka badan 12 qof, sida ay sheegayso warbaahinta gudaha.