Talaado 24 June 2025 {HMC} Sannadkii 2003-dii, Britain ayaa ku biirtay ololihii aadka loogu muransanaa ee uu Maraykanku hoggaaminayey ee ka dhanka ahaa Ciraaq, iyada oo ujeedadu ahayd in waddanka laga sifeeyo hubka lagu tuhmayay “hubka wax gumaada.” Kadib waxaa la ogaaday in hubkan la burburiyay sanado ka hor
Maadaama uu aad ugu dhow yahay uuna la yahay bahwadaag yar, Ingiriiska waxa hubaal ah inay si uun u saamayn doonto dhacdooyinka hadda ka socda Bariga Dhexe.
Doorkee ayay tahay in Ingiriisku uu ka ciyaaro haddii Donald Trump uu go’aansado inuu u diro ciidamo Mareykan ah si ay uga caawiyaan Israa’iil burburinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iiran.
Marka hore waa in la sheegaa in Ingiriisku uu aad uga fog yahay udub dhexaadka khilaafkan ee u dhexeeya Israa’iill iyo Iiran
Ingiriiska oo ay weheliyaan xubnaha kale ee G7 ayaa ku baaqay in la yareeyo xiisadaha, laakiin Israa’iil uma badna inay dhegeysato baaqyadan.
Tani kaliya ma ahan in xiriirka Ingiriiska iyo Israa’iil uu xumaaday ka dib markii London ay ku biirtay wadamada kale ee reer galbeedka ee cunaqabateynta ku soo rogay laba wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada Israa’iill oo hurinaya rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed.
Waxa kale oo ay sabab u tahay in Israa’iil ay si cad u soo gabagabaysay in hadda la joogo wakhtigii ku habboonaa ee tallaabo milatari laga qaadi lahaa barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, iyo in wakhtigii wadahadalku dhammaaday.
Iyadoo si cad loo xushmad daraynayo Ingiriiska, Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa in aysan horey u ogeysiin London weerarkeeda Iiran, taas oo aysan u tixgelin “saaxiibka la isku halleyn karo.”