24.7 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Maxeey tahay Muhiimada u yahay Marinka Hormuz ee ay Iiran sheegtay inay xireyso.?

Isniin 23, June 2025 {HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ugu baaqay Shiinaha inay ka hortagto Iiraan inay xirto marin-biyoodka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii TV-ga qaranka Iiraan ee Press TV uu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay qorshe lagu xirayo marin-biyoodka balse wuxuu intaa ku daray in go’aanka ugu dambeeya uu leeyahay golaha sare ee amniga qaranka.

Suryada Hormuuz oo ah marin-biyood dhuuban oo isku xirta Gacanka Faris iyo Badweynta Hindiya waa mid ka mid ah surimada ugu muhiimsan dunida, maaddaama uu maro shan meelood oo meel shidaalka adduunka laga isticmaalo, iyo afar meelood oo meel gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo.

Qaraarka ka soo baxay baarlamaanka Iiraan haddii uu hirgalo saameyn daran ayay ku yeelanayaa sicirka shidaalka ee suuqyada adduunka oo si weyn ugu tiirsan saliidda ceeriin iyo gaaska dabiiciga ah ee ka gudba surinkaas.

Leave a Comment