24.7 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Iran oo war ka soo saaray weerarkoodii ay Caawa ku qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Qatar.

Isniin 23, June 2025 {HMC} Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa war rasmi ah ku sheegay in inkastoo Iran ay “burburisay” saldhigga Maraykanka ee Qatar, haddana weerarku aanu halis ku ahayn Qatar ama dadkeeda.

Waxana intaa ku daray in Iran ay “ka go’an tahay ilaalinta iyo sii wadidda xiriirka diirran iyo taariikhiga ah ee kala dhexeeya Qatar.”

Bayaanka uu soo saaray Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, oo ay soo xiganeyso warbaahinta dowladda Iran, ayaa lagu sheegay in “tirada gantaallada la adeegsaday ay la mid yihiin kuwii bambaanooyinka uu Mareykanku u adeegsaday saddex goobood oo Nukliyeerka Iran ah”.

Daqiiqado ka hor, waxaan ka maqalnay dowladda Qatar, oo sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka ay qabteen dhammaan gantaallada Iran.

Leave a Comment