24.7 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Faah faahin dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baydhabo.

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan maleeshiyaadkaasi oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Leave a Comment