25.3 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Dowladaha Iraan iyo Ruushka oo wadahadlaya

Isniin 23, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran – oo magaalada Moscow ee dalka Ruushka u jooga wadahadallo – ayaa sheegay in uu “wadahadallo muhiim ah” la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kuwaas oo looga hadlayo “caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaadaha”.

Ruushka ayaa dhaleeceeyay weerarka Mareykanka uu ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran iyadoo safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Mareykanka uu “furay sanduuqa Pandora”.

Haddii wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Arakchi, uu la kulmo Putin galinka dambe ee maanta, waxa ay u badan tahay in uu taageero ah ka helo hoggaamiyaha Kremlin-ka, laakiin kaalmada milatari ee Moscow ayaa u muuqata mid aan suurtagal ahayn.

Haatan, mudnaanta koowaad ee Ruushku, waa dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Waa hubaal in Ruushka iyo Iran ay leeyihiin heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed, laakiin ma aha heshiis difaac oo Moscow kuma qasbana in ay taageero milatari siiso Tehran.

Todobaadki la soo dhaafay, madaxweyne Putin waxa uu sheegay in Iran aysan ka codsan Moscow kaalmo militari, waxaana hadalladiisa ka muuqda in uusan ku degdegin arrintaas.

Aqalka Kremlin-ka ayaa aad u daneynayey in uu xiriir wanaagsan la yeesho labada dhinac, waa Iran iyo Israel – iyo in la dhiso xiriir wada shaqeyn wanaagsan oo lala yeesho madaxweyne Donald Trump.

Leave a Comment