Axad, 22 June 2025 {HMC} War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu baahiyay telefishinka afka dowladda ku hadla, ayaa lagu sheegey in xalay weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday xarumo kuyaalla degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Dowladda warka kasoo baxay , ayaa lagu sheegay in xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, xalay lagu burburiyay labo xarumood oo kooxda Al Shabaab ay u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.
“Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Dowladda Soomaaliya, ayaa horey u sheegtay in weerar dhinaca cirka ah oi habeenno kahor , sidoo kale ka dhacay degmada Aadan Yabaal lagu dilay saraakiil iyo dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab.