Axad, 22 June 2025 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen
saddex goobood oo ku yaalla Iiraan, talaabo si toos ah Mareykanka uga qeyb-gelienysa dadaalka Israel ee lagu doonayay in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.
“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
“Dhammaan diyaaraduhu waxay hadda ka baxsan yihiin hawada
Iiraan. Culeys buuxa oo bambooyin ah ayaa lagu soo daadiyay goobta ugu muhiimsan, Fordow. Dhammaan diyaaraduhu waxay si nabad ah ugu socdaan saldhigyadooda.”
Trump wuxuu sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2
(B-2 stealth bombers) balse ma uusan cayimin noocyada bambooyinka la soo daadiyay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.
“Tani waa waqti taariikhi ah oo u ah Mareykanka, Israa’iil, iyo guud
ahaan dunida. Iiraan waa inay hadda oggolaataa inay dagaalkan
dhammayso. Mahadsanid!” ayuu ku qoray barta Truth Social.
Duqaymahaani waa go’aan halis ku ah Maraykanka maadaama Iiraan ay ballanqaaday inay aargudan doonto haddii ay ku biirto weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan Trump ayay khatar ku tahay, isagoo ku guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday inuu Maraykanka ka ilaalin doono khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana quursaday qiimaha faragelinta Maraykanka.