25.3 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Axmed Madoobe oo Gaaray Magaalada Garowe iyo Soo dhaween Diiran oo loo Sameeyay

Axad, 22 June 2025 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, halkaasi uu kulan kula qaadan doono madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada hoggaamiye ayaa maanta shir gaar ah ku yeelanaya magaalada Garoowe, kaasi oo looga hadli doono khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhinacyada ayaa waxaa ay si gaar ah diirada saari doonaan wax ka beddelkii madaxtooyada Soomaaliya ay ku samaysay dastuurkii dalka iyo muranka doorashooyinka 2026.

Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubbaland ka taagan yihiin khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.

Seddex sano kadib waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan Axmed madoobe iyo Saciid Deni, tan iyo markii ay kala tageen doorashadii ka dhacday dalka sanadkii 2022, dhawaan ayay labada masuul waxaa ay kulan ku yeesheen dalka Imaaraadka Carabta, iyagoona isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kaga horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Comment