29.3 C
New York
July 8, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Niger oo sheegtay in Shisheeyaha ay ka saareyso Ilaha waxsoo saarkeeda.

Sabti, 21 June 2025 {HMC} Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday in ay la wareegeyso maamulka iyo soo saarista Macdanta Uraaniyamka oo hore ay gacanta ugu heysay shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska.

Tillaabadaan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukumadda Niger ku dooneyso in ay gacmaha Shisheeye kaga saarto ilaha Kheyraadka dalkaasi.

Niger waxaa ay sheegtay in Shirkadda Tamarta Nukliyeerka Orano oo ay leedahay dowladda Faransiiska ay ku xad gudubtay heshiisyadii hore loo gaarey, ayna qarameyn doonto shaqaalaha soo saara Macdanta dalkaasi.

“Markii aan aragnay dhaqanka mas’uuliyad darrada ah, sharci-darrada iyo eexda ay la timid Orano oo ah shirkad ay leedahay dowladda Faransiiska, dowladda Niger waxay si buuxda u go’aansatay inay qaraneyso Somaïr,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.

Militariga Niger oo afgambi kula wareegay talada dalkaasi sannadkii 2023-kii, islamarkaana ballanqaadday in dib loo eegi doono rukhsadaha macdanta dalkaasi, si bulshada looga faa’iideeyo.

Leave a Comment