Sabti, 21 June 2025 {HMC} Midowga Afrika ayaa wali wada soo daabulista ciidanka ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM, iyaga oo ku dadaalaya in la helo dhaqaale ku filan howlgalkan looga hortagayo khatarta AS ee gudaha Soomaaliya iyo gobolka.
Tan iyo bishii Janaayo 2025 waxaa socday wada hadallo ay qeyb ka yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, Nigeria, iyo Uganda, kuwaasi oo lagu gorfeynayo Mustaqbalka Howlgalka.
AUSSOM waxaa ay Qaramada Midoobay iyo dowladaha kale ee howlgalka quseeyo waydiisteen in ka badan 90 Milyan oo dollar, balse waxa la helay 16.7 Milyan.
Sida loo kala qorsheeyay hannaanka bixinta qaaraanka, Qaramada Midoobay ayaa dabooli doonta 75 boqolkiiba dhaqaalaha howlgalka wixii ka dambeeya bisha Luuliyo ee sannadkan, halka inta kale bixin doonaan dowlado kale.
Mareykanka ayaa diiday inuu bixiyo dhaqaalaha howlgalka AUSSOM, isaga oo dalalka kale ee Deeqbixiyaasha ugu baaqay in ay kaalintooda qaataan.