Sabti, 21 June 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war lagu baahiyay warbaahinta dawladda.
Saacadihii la soo dhaafay howlgallo ayay ciidanka xoogga ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyada oo ugu dambeyn u suuro gashay in ay la wareegaan deegaannada Sabiid iyo Caanoole.
Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Axmed Gaashaan ayaa sheegay in ay baaritaano miino baaris ah ka wadaan gudaha deegaannadaasi.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa caddeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka.
Maalmihii la soo dhaafay Militeriga Soomaaliya ayaa howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan Maamullada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.