Sabti, 21 June 2025 {HMC} Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad si rasmi ah loo xiri doono maalinta barri ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaanadu ay gali doonaan fasax laba bilood ah, kaas oo ah waajib Dastuuri ah oo ay leeyihiin.
Guddoonka Labada Aqal ayaa uga mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare sida hufan ee ay u guteen waajibaadkooda muddadii uu socday Kalfadhiga 6aad,
Guddoonk ayaa xusay in xilliga kalfadhigu xiran yahay aysan ka dhigneyn fasax buuxa, balse la filayo xildhibaanada in ay gutaan howlaha kale ee Dastuuriga ah.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka