26.6 C
New York
July 8, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Xiliga uu Trump go’aaminayo inuu galayo dagaalka Iraan_Israa’iil

Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Donald Trump ayaa muddo laba todobaad gudahood go’aan ka gaari doona in Mareykanka uu si toos ah ugu lug yeesho dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israel, isagoo weliba rumeysan inay jirto “fursad weyn oo lagu wada hadli karo”.

Mar sii horreysayna, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa BBC-da u sheegay in ay “dhibaato” u horseedi doonto gobolka haddii Mareykanku uu ku lug yeesho dagaalka.

Trump ayaa labada toddobaad qabsaday sababo la xirriira “fursado weyn oo wadahadal ah” oo lala yeesho Iran, tallaabadaas oo hoos u dhigtay heerka xiisadaha, ayuu qoray wariyaha BBC ee Waqooyiga Ameerika.

Mareykanka iyo UK ayaa isku raacay in Iran aysan waligeed “sameysan karin hub nukliyeer ah”, kadib kulan dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo xoghayaha arrimaha dibadda UK David Lammy.

Lammy ayaa lagu wadaa in uu Geneva kula kulmo dhiggiisa Faransiiska, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Iran gelinka dambe ee Jimcaha maanta.

Leave a Comment