29.3 C
New York
July 8, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Mareykanka oo Sheegtay in aan Cadeyn loo haynin in Iiran ay bilowday farsamada hubka nukliyerka”

Jimco , 20 June 2025 {HMC} Wargeyska New York Times , ayaa ku warramaya in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay ku adkeysanayaan in Iiraan aanay weli gaarin go’aan rasmi ah oo ku saabsan dhismaha bam nukliyeer, inkastoo ay hayso uranium si heer sare loo nadiifiyay oo ku filan in hub nukliyeerka ah lagu farsameeyo.

Saraakiisha sare ee sirdoonka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in qiimeyntani aysan is beddelin tan iyo bishii Maarso — xilli weerarro Israa’iil ay ku qaaday xarumo nukliyeerka Iran ay socdeen.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah inuu ka digay in Iiraan laga yaabo inay u dhaqaaqdo dhismaha hubkaas haddii Mareykanku weeraro xarunta nukliyeerka Fordow ama haddii Israa’iil disho hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Cali Khamenei.

“Wali wax caddayn ah looma hayo in Iiraan ay bilowday hawsha farsamaynta hubka nukliyeerka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka hase ahaatee Madaxweyne Trump ayaa la sheegay inuusan dheg jalaq u siinin Warbixinta sirdooonkiisa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa u sheegay telefishinka Iiraan: “Dalal dhowr ah ayaa ila soo xiriiray waxayna naga codsadeen inaan dib ugu laabanno dariiqa diblomaasiyadda. Waxaan u sheegay: Waa maxay diblomaasiyad aad ka hadlaysaan? Annaga oo ku jirna bartamaha wadahadallada diblomaasiyadeed — haddana waa nala weeraray, Markaan la hadlo reer galbeedka, ma helaan wax sabab ah oo ay kaga jawaabaan dooddayda. Waxay si fiican u ogyihiin in mowqifkeennu uu ka xoog badan yahay sharciga caalamiga ah. Waa la ogyahay in, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, weerar lagu qaado xarun nukliyeer ah uu yahay dembi aad u weyn, mana jiro cid si sharci ah u cudurdaaran karta. Xitaa reer galbeedka waxay ku guuldareysteen inay ii sharraxaan sababta aamusnaantooda ay uga hor iman waayeen weerarrada lagu qaaday xarumaha nukliyeerka.Waxay si cad uga baxsadeen su’aasha.”

Leave a Comment