Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Pakistan iyo Iran waxa ay wadaagaan xuduud dhan 750 KM. Pakistaan waxay u badan yihiin Sunni, halka Iran ay Shiico yihiin.
Xiriirka labada dal ayaan ahayn mid mar walba wanagsan, waxaana marar badan xiriirkooda xumeeyay xuduudka.
Pakistan ayaa taariikh ahaan xiriir dhow la leh Sacuudiga oo ay muddo dheer xafiiltan uu ka dhaxeeyay Iran.
Machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed (IISS) ayaa warbixin ku qoray: “Kacaankii Islaamka ee Iran ka dib 1979-kii waxaa si toos ah u saameeyay xiriirka Pakistan, kacaankaas ka dib waxaa sii xoogeystay u janjeerta Iran ee ku wajahan Shiicada, si kale haddii loo dhigo, dhaqanka Shiicada ayaa noqday mid aad u caan ah, sidaas darteed, Islaamku wuxuu noqday arrin kala qaybsanaan ah.”
Isla sanadkaas oo ahaa 1979-kii, Midowgii Soofiyeeti ayaa ku duulay Afgaanistaan. Taasi waxay xoojisay aqoonsiga Sunniga ee Pakistan, waxayna xoojisay isku soo dhawaanshaha Sacuudiga.
Sida laga soo xigtay machadka caalamiga ah ee daraasaadka istaraatiijiyadda, Sacuudi Carabiya ayaa markaa Pakistan ku faafisay fikradda Wahaabismka iyada oo loo marayo dugsiyo diimeed iyo siyaabo kale.
Ciidanka Pakistan ayaa door ka qaatay sugidda ammaanka Sacuudiga, waxayna taa beddelkeeda kaalmo dhaqaale ka heleen Sacuudiga.
Pakistan waa quwada kaliya ee nukliyeerka ah ee wadamada Islaamka. Markii cunaqabataynta la saaray kadib tijaabadii Nukliyeerka ee Pakistan, Sacuudi Carabiya waxay siin jirtay kaalmo dhaqaale.
1980-meeyadii, Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya, iyagoo adeegsanaya Pakistan, waxay taageereen Mujaahidiinta Afgaanistaan ee ka soo horjeeda Midowgii Soofiyeeti. Ka dib, kooxahaas waxaa ka soo baxay Talibanka Afgaanistaan iyo Al-Qaacida.
“Iran iyada oo ka jawaabaysa, waxay qortay Shiicada Afgaanistaan si ay uga dagaallamaan Ciraaq,” ayuu yiri machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadda. “Danta istaraatiijiyadeed ee Iran ee Afgaanistaan waxay ku xiran tahay Hindiya, tani waxay yaraynaysaa kalsoonida Pakistan ee Iran.”
Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Iran iyo Pakistan waxay bilaabeen weeraro midba midka kale. Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu taageero kooxaha argagixisada.