Jimco , 20 June 2025 {HMC} Ciidanka booliiska iyo sirdoonka Iran, ayaa gudaha dalkaasi kawada howlgalo ay ku xir xirayaan xubno la shaqeenaya sirdoonka Israa’iil ee Mossad, kuwaa oo bixinaya xogaha muhiimka u ah dowladda Iran.
Howlgal ay fuliyeen ciidanka booliiska Iiraan, ayaa lagu soo qabtay nin jaajuus u ahaa sirdoonka Israa’iil, waxaana ninkan la sheegay in uu bixinayay xogo sirdoon oo lagu beegsanayo nidaamka difaaca Iran.
War kasoo baxay booliiska Iran ayaa shaaca looga qaaday inay maanta gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan wakiillada Israa’iil ee ku sugan gudaha Iiraan, kaasoo la sheegay inuu bixinayay xogta goobaha nidaamka difaaca Iiraan, isagoo adeegsanaya barta WhatsApp-ka.
Booliisku wuxuu sheegay in eedeysanuhu uu si qarsoodi ah u gudbinayay xog xasaasi ah oo la xiriirta meelaha gantaallada difaaca ku rakiban yihiin,iyadoo la sheegay inay hadda socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayo ninkan iyo cidda la shaqeynaysay.
Dowladda Iran, ayaa qabatay xubno badan oo la shaqeenayay sirdoonka Israa’iil, dadkaasi la qabtay ayaa la sheegay in qaarkood la daldalay halka kuwa kalana baaris ku socoto.