26.6 C
New York
July 8, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Hogaamiyaha SSC Khatumo Oo Mudo Kadib Kulaabtay Laasacanod

Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo dhawaanahan safar shaqo ugu maqnaa caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa maanta si nabadgelyo ah ugu soo laabtay Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Dawladda SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha waxaa gegida diyaaradaha ku soo dhaweeyey Hoggaamiye ku xigeenka Dawladda Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil, xubno ka tirsan golayaasha Dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Hoggaamiyaha oo shacabka iyo madaxda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey ujeeddooyinkii iyo guulihii uga qabsoomay caasimadda, isagoo sidoo kalana si weyn carrabka ugu adkeeyay caddaalad siinta hablaheenna sharafta badan ee dhibka iyo denbiga culus ee kufsiga ah loo gaystay.

Hoggaamiyaha ayaa ballanqaaday caddaalad dhammaystiran oo ay helaan dhibanayaashu, isagoo sidoo kalana xusay doorka shariifka ah ee habalaha SSC-Khaatumo ku leeyihiin halganka iyo dawlad-dhiska deegaanka.

Leave a Comment