25.3 C
New York
July 17, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Seeriga digniinta oo laga maqlayo hawada Israa’iil.

Arbaco 18, June 2025 {HMC}  Seeriga digniinta ayaa dhawaqooda laga maqlayaa waqooyiga Israa’iil, sida laga soo xigtay ciidamada difaaca Israa’iil.

Milatariga ayaa sidoo kale barta X soo dhigay khariidad muujinaysa digniinahaas.

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay adeegsiga gantaallada Fatah, oo lagu tilmaamay gantaallada hypersonic, intii lagu jiray weerarradii gantaallada ee dhowaan ka dhacay Israa’iil.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee Tasnim oo soo xiganeysa Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in gantaallada Fatax ay ka dhigan yihiin “bilawga dhammaadka khuraafaadka difaaca hawada ee ciidamada Israa’iil”, sida ay ku tilmaantay, iyo in ay farriin u tahay “Isbahaysiga dagaalka u ololeeya ee Tel Aviv,” oo ay ula jeedaan Maraykanka.

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in gantaalladaasi ay awood u yeesheen in ay gudaha u galaan difaaca cirka ee Israa’iil, iyagoo intaa ku daray in weerarkii ugu dambeeyay ee gantaallada “ay caddeeyeen in ilaalada kacaanku ay si buuxda u maamulayaan hawada Israa’iil” iyo in Israa’iiliyiintu ay hadda yihiin kuwo aan “difaac lahayn.”

Leave a Comment