Talaado 17, June 2025 {HMC} Welwelka la xiriira sare u kaca maciishada, shidaalka iyo sahayda kale ayaa soo kordhaya caalamka oo dhan ka dib markii uu qarxay isku dhac u dhaxeeya Iiraan iyo Israa’iil oo weeraro is dhaafsanaya maalintii afaraad.
Meelaha durba laga dareemay kororka qiimaha alaabaha waxaa ka mida Soomaaliya gaar ahaan qeybo ka mida ganacsiyada oo inta badan dalku dibada wax ka soo dhoofsadaan.
Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayo isbaddelo dhanka qiimahaa oo ku yimi alaabta qaar ee loo adeegsado dhismaha guryaha kuwaas oo si dadban ganacstada Soomaalida qaarkood uga keensadaan dalka Iran sida uu BBC-da u sheegay Injineer Bile Maxamuud Dhoore oo ka mida Injineerada dhismaha ee ka howlaga Muqdisho.
“Waxaan joogaa Soomaaliya, Muqdisho, waxay nagu yeelatay samayn hadda muuqata. Dagaalada hadda bilowday labadii maalmood ee ugu dambeyey waxaa sare kac laga dareemayaa alaabta dhismaha muhiimka u ah qaarkood sida birta shubka iyo shamiitada oo ay ugu darran tahay birta”, ayuu yiri Injineer Bile u sheegay BBC
“Birta oo kale waxaa la gadi jiray laba maalmood ka hor kiintaalkii ama boqolkii Kilo ilaa $65 dollar, saakana waxaa la iibinayey 73 dollar, taas oo la macno ah in halkii kilo laga gadi jiray 0.65 cent halka hadda ay tahay 0.73 Cent, marka waxaa u dhaxeeya farqi 8 dollar ah isabadal ayaa ka muuqda,”.