Axad 15, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Albusaidi, ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada Nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran la baajiyay.
Cumaan ayaa muddooyinkii dambe u dhexaysay labada dhinac, iyada oo ku dadaaleysay sidii isfaham looga gaari lahaa barnaamijka nukliyeerka Iran.
Baaqashada wadahadallada ayaa imaneysa kadib markii Israel ay qaaday duqeymo ballaaran oo cirka ah oo lala beegsaday gudaha Iran, kuwaasoo lagu dilay saraakiil sare iyo saynisyahanno, isla markaana lagu weeraray xarumo la tuhunsan yahay in lagu horumarinayay hubka nukliyeerka.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump oo la hadlay wakaaladda Reuters, ayaa xaqiijiyay in kulanka Axadda la joojiyay, hase yeeshee waxa uu sheegay in Mareykanka weli ka go’an tahay wadahadallada isla markaana uu rajo ka qabo in Iran dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodka.
Mareykanka ayaa horey u muujiyay walaac ku aaddan horumarka Iran ee dhanka barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo dadaallo badan lagu bixinayo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa heshiiskii nukliyeerka ee 2015.