August 27, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Dhaawacyadda in ka badan 200 qof oo yaala Telaabiib.

Axad 15, June 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Duqeymaha ka socda  bariga dhaxe

35 qof ayaa lagu la’yahay dhismayaashii ay horraantii saakay gantaallo ku dhufatay Iran ee ku yaalla bartamaha Telaabiib , iyadoo illaa 195 qof la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12.

Saraakiisha sare ee ciidamada Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska Dhexe (CENTCOM), Jeneraal Michael Kurilla, ayaa soo jeediyay in la xoojiyo taageerada militari ee Mareykanku siiyo Israa’iil si ay ula tacaasho Iran, kaddib kulan dood-adag lagu wadaagay oo ka dhacay pentagon-ka, balse soo jeedintan waxaa si adag uga hor yimid Elbridge Colby, oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca Mareykanka ee Arrimaha Siyaasadda,oo diiday in awoodaha milatari ee Mareykanka laga wareejiyo Aasiya loona wareejiyo Bariga Dhexe, isagoo ku saleynaya inuu Shiinaha yahay khatarta ugu weyn ee Mareykanka uu wajahayo ,fursadna uu ka heli doono haddii awoodda ciidanka Mareykanka loo wareejiyo bariga dhexe.

Saraakiisha sare ee difaaca Mareykanka wali ma aysan go’aamin, waxa ay ka yeelanayaan codsiga Israa’iil ay usoo gudbisay oo la xiriira inuu Mareykanka ku soo biiro weerarrada ay ka geysanayso gudaha Iran.

Leave a Comment