Sabti 14 June 2025 {HMC} Sida uu sheegay afhayeenka ciidamad Israa’iil Avichay Adraee, Iran ayaa ku qaaday Israa’iil labo mowjadood oo weeraro ah oo loo adeegsaday wax ka yar 100 gantaal.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ee horrey lo oran jiray Twiter, ayuu ku sheegay in inta badan gantaalladii lagu soo ganay la qabtay ama aysan gaarin bartilmaameedkoodii.
“Waxaa jira dhismayaal tiro kooban oo la garaacay, qaarkoodna ay waxyeello ka soo gaartay firirka howlgalkii lagu qabanayey gantaallada.”ayuu intaa raaciyey.
Sida aad ka arki karto sawirka kore, qaar ka mid ah dhismayaasha ayaa si weyn waxyeelo u gaartay.
Weli waxaan sugaynaa warbixin faahfaahsan oo ka imaanaysa Iiraan, oo ku saabsan hawlgalka ay u bixiyeen Ballanqaadka Dhabta ah ee saddexaad (True Promise 3).