August 27, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

Iiraan oo hakisay wada-hadalladii nukliyeerka ee Mareykanka.

Sabti 14, June 2025 {HMC} Abbas Araqchi Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan  ayaa u sheegay Kaja Kallas, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, in marka la eego xaaladda haatan iyo waxa uu ugu yeeray “cadowtinnimada” Israa’iil, in wada-hadallada aanan sabab loo heli karin.

Iiraan ayaa durba Mareykanka eedda dusha ka saartay markii ay billowdeen weerarrada Israa’iil.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weli u muuqda mid rajo qaba wuxuuna ugu baaqay Iiraan inay oggolaato heshiiska nukliyeerka.

Ilaa iyo haatan, Mareykanka iyo Iiraan ayaa yeeshay shan wareeg oo wada-hadal, oo ay dhexdhexaadisay Cummaan bilihii April iyo May.

Arinta ugu weyn ee la isku mari la’yahay ayaa ah in yuraaniyumta lagu tayeeyo ciidda Iiraan.

Weerarradii dhowaan ee goobaha nukliyeerka Iiraan ayaa la micno ah in dalkaas ay waqti ku qaadan doonto inuu dib u dhiso xarumihii hore.

Leave a Comment